page1

    

Somali American Media oo kala qeyb gashay Jaaliyada ku dhaqan magaalooyinka mataanaha Xaflad Balaaran oo lagu soo dhaweeynayey Sanad guuradii 45aad ee kowda Luulyo....


 Contact us Email: admin@allsomali.com

Waxaa ka mid ahaa qudbadii ay SAMA ugu talo gashay Xaflada waana kan sidan walaalayaal marka hore aad ayaad ugu mahadsan tihiin kasoo qeyb galka aad ka soo qeyb gasheen Munaasabadaan Kowda Luulyo.

Maanta waa maalin Taariikhi ah oo aan udabaaldageyno Sanad guuradii 45aad oo ah Maalintii Xoriyada laqaatay, iyo isku darkii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliyeed.

Walaalayaal waxaan jecelnahay Maantay anigoo kuhadlayo magaca Somali American Media Association (SAMA) inaan idiin soo gudbiyo arimaha ku saleeysan miidiyaha qeybihiisa kala duwan.

Waxaanu wada ogsoonahay mediyaha Soomaaliyeed ineey tira badan yihiin, isla markaana eey leeyihiin wanaagooda iyo Xumaantooda, labadaba.

Miidiyaha waxeey ubadan yihiin hal dhinac oo kaliya sida Wararka.

Waxaana loo baahan yahay ineey ka hadlaan, qeybaha kala duwan ee saameeya Bulshada, sida Caafimaadka, Dhaqaalaha, Waxbarashadda iyo wacyi galinta guud.

Waxaan fariin udireynaa shaqaalaha miidiyaha Soomaaliyeed ee isugu jira sida websiteyada, Tv'yada, Idaacadaha, dhamaantood ineey ku dadaalaan sidii eey uga shaqeeyn lahaayeen isku keenida.

Wacyi galinta iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed.

Waxeey (Ururka SAMA) ku dadaaleysaa bilooyinkaan soo socda, iney ka shaqeeyso sidii loogaga hortagi lahaa wararka Caadifada ku saleeysan ama kuwa caadeystay ineey Shacabka Soomaaliyeed had iyo jeer ugudbiyaan wararka ku tiri ku teenka ah.

Waxaan anagu u istaagnay, hadeynu nahay Ururka SAMA, inaanu shacabka Soomaaliyeed meelkasta eey joogaan usoo gudbino Wararka Xaqiiqda ah ee kala duwan oo dhinac walba leh.

Hadaan ka hadalno wax qabadka Ururka Qeybihiisa kala duwan inigoo idiin soo gudbinayo Warbixin yar oo ku saabsan Webka 4somaliwomen.com

waxaa aasaasay webkaan gabar soomaaliyeed isla markaana markey weydey website Dumarka soomaaliyeed wax uqabta kana shaqeeya danahooda ayeey isu taagtay oo ay dhistay webkaan ayadoo ugu talo gashey inuu ka turjumo webkaan halganka iyo Horumarka, Dumarka Soomaaliyeed.

Waa Shabakadii ugu horeeyey ay leeyihiin maamulaana Dumarka Soomaaliyeed.

Waxaana hadda loo aqoon saday inuu yahay The Official Somali Women's Website 4somaliwomen.com tan iyo intuu jiray.

Waxay uqabteen hawlo badan Dumarka Soomaaliyeed.

Waxeeyna 4somaliwomen.com Uruursheen lacag kaalmo ah oo lagaarsiiyey (Faay Muudeey) gabar Soomaaliyeed oo deen yar aawadeed loo gubay.

Waxaay dhawaan ku xireen Urur deeq udirayo (Deeqo) oo ah gabaryar oo ay niman Xoog ku kufsadeen, dhaawac weyna gaarsiiyeen.

Intaa waxaa kaloo idiin soo gudbineynaa in Xafladaan ka soo qeyb galay Madaxweynihii ku meel gaarka ahaa ee Maamul goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxamed Cabdi Xaashi sidaad la socotaan wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee si dimoqraadiy ah uga degay Jagadii ay udoorteen dedweynaha taasoo ku dayasho mudan lagana rabo siyaasiyiinta soomaaliyeed iney sidaas oo kale sameeyaan.

Waxaana uu Maxamed Cabdi Xaashi gudoonsiiyey abaal marino kala duwan

Dhamaan miidiyayaasha kala duwan ee ka hawl galo labada magaalo ee Mataanaha ah, iyo Toronto, North Dakota, Rochester, Belgium.

Waxaana soo diyaarshay Ururka Somali American Media Association Abdikarim Isse, Haji iyo Maxamed Xuseen Cusmaan oo xubin ka ah, Cali Muuse oo isna Xubin ka ah.iyo C/raxmaan Darbane oo asna Xubin ka ah, iyo Xubin Weeydoow, Xubin Mulki, Dr Eibakar Hassan Xubin.

Kala soo xiriir Somali American Media Assocation (SAMA)

Somali American Media Assoc ee Gobolka Minnesota oo la kulmay Wasiirka Shaqada iyo Isboortiga MGPL

Oct 11, 2005

 

 

Malik Askar & Wasiirka Secretary (SAMA)

Abdikarim & Wasiirka Director (SAMA)

Abdikarim, Xayow, Said, Jeego

Abdi Malik Said Jeego

Waxaa ka dhacay kulan heer sare ah xalay hodheelka layiraahdo Mariyat Courtyard oo ku yaal magaalada Minneapolis ee gobolka minnesota.

 

Wasiirka Shaqada iyo Isboortiga ee Maamul goboleedka Puntland oo si heersare ah loo soo agaasimay casho sharaf ka dhacday hoteel Marriott Courtyard halkaas oo uu qudbad ka soo jeediyey wasiirku oo uu kaga hadlayey dhanka isboortiga puntland iyo horumarka laga gaaray.

 

Wasiirka oo horey u ahaan jiray Ciyaartoyda u cayaara Qaranka soomaaliyeed dhanka kubada Basketbalka taariikhiyana caan ka ah dalkii oo dhan waa nin wadani ah hadaanuna ka hadalno dhanka waxbarashadiisa wasiirku wuxuu ka baxay jaamacada lafoole ee mogadishu soomaaliya.

 

Wasiirka oo horey u ahaan jiray dadka ku dhiirigaliya dhalin yarada degan qurbaha dhanka isboortiga si ay ugaga bad baadaan waxyaalaha lagu xumaado oo waayahan dambe ku soo badanaya dadka soomaalida ee degan qurbaha siiba North America waxaan ii sheegtay inan yar ee dhigata lana yiraahdo Aamina Jaamacada University of Minnesota Manketo iney aragtay Wasiirka waa hore oo uu kala hadlay dhanka isboortiga kuna baraarujiyey heer wax ku oola ka gaaraan.

 

Wasiirka iyo Somali American Media Assoc oo ay ka wadahadleen xaga horumarka Miidiyaha Puntland Xoreeynta Saxaafada iyo wixii qalaba sidii ay uga geeysan lahaayeen una fududeeyaan sidii loogaga caawin lahaa gobolka.

 

Wasiirka oo ka gudoomay Somali American media Assoc Qalabka Isboortiga ee kala ah koobabka kubada Cagta iyo Basketbalka.

 

Waxaana meeshaasi ku gudoonsiiyey hodheelkiisa Maamulaha (SAMA) Abdikarim Maxamed Ciise (Qaxiye) iyo Abdi Malik Mohamed (Askar), Zakariye Aadan (Xaayow).

 

Maxamed Xuseen
SAMA News Center

 

Somali American Miidiya oo booqatay Colombus Ohio

 

Somali American Media Ass, oo booqday magaalada colombus ee ohio.

 

Waxay la kulmeen dhamaan suxifiyiinta halkaa ku sugan ee haya howlaha kala duwan, gaar ahaan waxaa qaabilay suxufiyadda ama madaxa Wargeyska Danjir Baxsan oo ah jaraa'idka kasoo baxa magaalada Colombus.

 

Waxay isdhaafsadeen aqoon isweydaarsi aad u qiimo badan iyagoo kawada hadlay sida ugu wanaagsan ee loo midayn lahaa mediyaha soomaaliyeed meel kastoo oo ay jogaanba.

 

Waxaa meeshaasi ka mid ahaa aqoon isweydaarsigaasi oo kaalin weyn ka geestay Ururka Dhalinyarada Ardeyda ee Somalida magaalada Columbus waxayna yihiin dadka utaagan har iyo habeen Mustaqbalka Soomaalida ee degan gobolka Ohio waxaana ka muuqatay Wadaninimo, isla markaana ayagoo jecel iney wax uqabtaan jaaliyada Columbus waxaadna ujeedaa calaamada ka muuqata Mr: Xasan ee xiga masawirka dhanka bidix ayaa ku tusi karta ineey yihiin dhamaan muwaadiniin jecel ineey wax uqabtaan Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool qurbaha siiba N.America.

 

 

 

 

Waxayna kaloo istuseen in si shacabka soomaaliyeed loogu baahin lahaa wax ay ka faa'iidaystaan waana ay isku af garteen.

Waxay kaloo isla gaareen in ay mustaqbalka wada kulmaan oo uusan noqon mid ku ekaada maanta oo kaliya.

 

Waxaanu kaloo aanu soo booqanaay meelaha ay soomaalida ku ganacsato ee la yiraahdo mool of somali waxaan kula kulanay soomaali aad u fara badan oo ka ganacsaneysa wax walba oo maanta dunida yaala gaar ahaan waxaanu aragnay gabadh soo maaliyeed oo biibito ku haysata cofee iyo shaahna sameysa.

Waxaanu kaloo aanu ku soo wareegnay meelaha xusuusta mudan oo ay leedahay Gobolka Ohio.

 


 

 

Contact us: P.o.Box: 581834
Minneapolis, MN 55458
(612) 246-3345
info@somaliamericanmedia.org