AllSomali.com
















Warar Goos-Goos ah - August 27, 2008 

· Madaxda DFKM ugu sareeysa ayaa ka degay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baydhabo....Allsomali.Com
· Sheikh Maxamed Mire iyo ciidan uu horkacayo oo ka yimid Kudhaa ayaa yimi Magaalada Kismaayo ...Allsomali.Com
· Qarax miino ayaa saakay arooornimadii waxa uu ka dhacay wadada maka al mukarama ee magaalad muqdihso.Allsomali.Com
·

 













Madaxda DFKM ugu sareeysa ayaa ka degay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baydhabo

Baydhabo:-(ALLSOMALI.COM) 27,August 2008

Waxaa goordhaweyd ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay Sadexda Masuul ee ugu sareeysa DFKM waxaana ay markii ay ka soo dageen garoonka ay sheegeen in ay khilaakoodii ay soo dhameeyeen.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyey oo aan horey loo arag waxaana meel walba buuxshay ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya.

Masuuliinta DFKM ayaa waxaa haatan loo galbiyey dhanka madaxtooyada ee magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi saxaafadda kula hadlay C/laahi Yuusuf Ahmed madaxweynaha DFKM waxaa uuna shaaca ka qaaday in la dhameeyey wixii khilaaf ahaa oo dhan.

Waxaad intana ka aqrisaa heshiiskii ay ku kala saxiixdeen labada madax ee ugu sar sareeysa DFKMG hoos Riix.
 



Mar uu ka hadlay amaanka gobalka Bay ayaa waxaa uu sheegay in kooxda wada ay joojiyaan shidada isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay 18 sano ku jireen dagaalo sokeeye oo aan faa,ido ulahayn.
 

AllSomali News Muqdisho, Soomaaliya.

   




back to top
 

 


Sheikh Maxamed Mire iyo ciidan uu horkacayo oo ka yimid Kudhaa ayaa yimi Magaalada Kismaayo

Kismaayo:- (ALLSOMALI.COM) 27,August 2008

Wararka naga soo gaaraya maanta Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Sheikh Maxamed Mire iyo ciidan uu horkacayo oo ka yimid Kudhaa Sheikh Maxamed Mire ayaa laga sugayey magaalada waxaan la filayaa in xoogagga Islaamiyiinta ay gudo galaan siddii maamul loogu dhisi lahaa magaalada.

Sheikh Maxamed Mire iyo ciidankii la socday oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa hadda ku sugan magaalada Kismaayo waxaa la filayaa in ay wadatashiyo kale duwan la yeelan doonaan dhamaan qaybaha bulshada ay ka kooban tahay

Madaxda Islaamiyiinta ee ku sugan Kismaayo ayaa waxaa ay maalmahaan ku mashquulsan yihiin in ay wadatashi la yeeshaa Odayaasha ku sugan magaalada Kismaayo si maamul loo dhan yahay loogu sameeyo magaalada.

Dhinaca kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa amnigeeda sugay Xoogagga Islaamiyiinta ee gacanta ku haya magaalada ,Magaalada Kismaayo ayaa amaankeed uu aad u fiican yahay ilaa intii ay la wareegeen xoogagga Islaamiyiinta oo is garab sanay.

Ilaa hadda ma jirto wax maamul ah oo loo magacaabay magaalada waxaan socda wadatashi ay wadaan wadaadadadii qabsaday magaalada waxaan ay wadaan wadatashi dhexdooda ah sidii magaalada looga samayn lahaa Maamul midaysan oo dadku raali ka yahay.

Culimada iyo dadka aragtid dheer ayaa u soo jeediyey waanooyin kale duwan xoogagga Islaamiyiinta ,waxaan lagu waaniyey in ay ka fogaadaa damaaci aduun iyo in loo suxul duubo ku tartanka ilaha dhaqaale ee magaalada ,waxaan kale oo lagula taliyey in ay iska ilaaliyaan in ay daadiyaan dhiig danbe oo qof muslin ah
 

Allsomali News Kismaayo, Somalia

www.allsomali.com





back to top
 




Qarax miino ayaa saakay arooornimadii waxa uu ka dhacay wadada maka al mukarama ee magaalad muqdihso.

Muqdisho.:-(AllSomali.com27,August 2008

Qaraxani oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay waxaa uu ka dhacay wadada maka ala mukarama ee magaalad muqdisho iyadoona aan ilaa iyo hada la xaqiijin Karin cida lala beegsadey iyo cida wax noqotey iyadoo tan iyo maanta wadadda maka ala mukarama ay howlo baaritaano ay ka sameynayeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethopia oo is kaashanaya iyadoona la arkayey ciidama ku hareereysan wadadaasi iyddoona gaba ahaanba ay xirneed wadada maka al mukarama ee magaalada muqdisho iyadoona ay qaraxyada iyo weerarada lagu qaadayo ciidamada dowlada iyo kuwa itoobiya ay noqdeen kuwa joogta ah.

Iyadoo weerarada iyo dagaalada ka soconaya magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya ay ku soo beegmayaan xili maalinnimadii shaley ahayd qodobo dhowr ah ay ku soo kala sixiixdeen madaxweynaha dowlada federaalaka ee soomaaliya mudane cabdulaahi yuusuf axmed iyo Raisulwasaare Nuur cadde magaalad Adisababa ee dalka itoobiya.

Dhinaca kale Gudoomiyhii hore ee gobolka banaadir ahan duqa magaalada muqdisho Maxamed cumar xabeeb Maxamed Dheere ayaa soo dhoweeyey heshiis kii ay maalinnimadii shaley ahayd ay ku soo kala sixiideen malaada Adisababa ee dalka itoobiya Madaxweyne cabdulahi yuusuf Axmed iyo Raisulwasaare Nuur xasan xuseen Nuur cadde mar wax laga weeydiiyey maxamed Dheere heshiiskani iyo maamulkiisa ayaa waxa uu sheegay in ay tahay arin fiican in maamulka si cadaalad ah looga qaado isagoona sheegay in uu ogol yahay wax walba oo sharciga waafaqsan isagoona sheegay in uu ogol yahay doorashada Maxamed Dheere waxa uu kaloo sheegay in uu Qofwalba oo soomaali ah oo reer Banaadir ah in uu isa soo sharaxo isagoona sheegay in uu isa soo sharixi doono dadka reer Banaadirina uu codka weydisan doono.
 

AllSomali, Mogadishu News Center

back to top





   

 

Home

This Page!

©2001-2008  

allsomali@yahoo.com

www.allsomali.com

Hit Counter