Muqdisho,News March
13,
2008
xooghaayada Arimaha Dibadda
Mareykanka Miss.Condaleezza Rice ayaa Abaalmarin
Caalami ah ku Gudoonsiisay Xarunta Wasaaradda
Arimaha Dibadda Mareykanka Gabar soomaaliyeed oo
Lugu magacaabo Farxiyo Faarax ibraahim.
Farxiyo Faarax Ibraahim oo u dhalatay Dalka
Soomaaliya ayaa waxey Ka mid aheed 8 Haween laga
soo xulay 90 Dumar ah oo loo tixgelayay dadaalka
ay u galeen haweenkan Kuwaas oo lugu sharfay
Sanadkaan in lasiiyo Abaalmarinta Sanadlaha Ah ee
dowlada Mareykanka ku bixiso haweenka u adeego
wacyiggelinta arimaha dumarka Kadib dadaalo faro
badan oo ay u galeen sidii loo Hurumari Lahaa
Dumar Dalalkooda.
Gabadhan Soomaaliyeed oo ku nooleed xerada
Qaxootiga ee dhadhaab Ee Dalka
Kenya ayaa waxey si hagar la'aan ah ugu
istaagtay Ka hor taga Gudniinka Fircooniga FGM iyo
Wacyi Gelinta Cudurka HIV Aids iyo Howlaha Kale ee
Horumarinta Guud ahaan Arimaha Dumarka Taasoo ay
ku muteysay Abaal-gudkaan Caalamiga ah oo ay
gudoonsiisay Dowlada Mareykanka.
farxiyo ayaa xiligii lugu gudoonsiinaayay
abaalmarintan Wasaaradda Arimaha Dibadda
mareykanka ayaa waxey ku lebisneed Dharka Hiddaha
iyo Dhaqanka Soomaaliya, siiba garbasaarka
aliindiga ay caanka ku yihiin hablaha Soomaaliyeed
oo taraashan, shaash xariir ah iyo guntiino
qurxoon, iyadoo farxadi ka muuqato ayay la garab
istaagsaneed Miss condaleeza Rice oo ah haweeneyda
Aduunka ugu awooda sareeysa Arinkaas oo Farxad
geliyay dumar Soomaaliyeed oo Ku nool caalamka oo
idil kuna dhiirigaliyay inay galaan dadaalka
Farxiyo Faarax Ibraahim.
Ma ahan markiiugu horeysa ee dumarka Soomaaliyed
helaan abaalmarinno calaami ah iyadoo sanadkii
2002 ay ku gudoonsiisay Haweeneyda koowaad ee
dalka Mareykana
Laura Bush Marwo Maryan Xuseen Awreeye
abaalgud ay ku muteysatay Difaacidda iyo dhowrista
Xuquuqul Insaanka taas oo ah guul ay soo hooyeen
haweenkeena Soomaaliyeed oo ay keeni waayeen ragga
Soomaaliyeed oo hooy u noqday isqab qabsi
siyaasadeed iyo dagaal aan dhamaaneyn Hadana
waxaan leenahay Hambalyo Farxiyo kana sii wad
dadaalkaada hana Noolaadaan Haweenka Soomaaliyeed.
AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali News