Munaasabada Maalinta Dhirta
Aduunka oo manta alga xusay magaalda muqdisho iyo Wasiiro
iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay
|
|
|
Muqdisho, April
18,
2008
Munasibad lagu weynaynayo Maalinta
Dhirta Aduunka oo ku beegan maanta 17-ka April
ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho,
waxaana ay ka qeyb galay mas.uuliyiinta labada
gole ee dowlada.
Munasibadan loo sameeyey maalinta dhirta ayaa
waxaa si gaar ah usoo agaasintay wasaarada
Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ahna Sii
hayaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo
Daaqa Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xaflada lagu weyneynayay Munsabadan Maalinta
Dhirta Aduunka oo lagu qabtay Guriga Hooyooyinka
ee Degmada xamar weyne, waxaa ka soo qeyb galay
Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Ahna Wasiirka
Cadaalada iyo arrimaha Diinta Prof. saalim Caliyow
Ibrow, Wasiirka Gaashaandhiga Mr Muxidiin Xaaji,
Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Taliyaha Ciidamada
Asluubta Gen. Cabdullaahi Cali Cumar iyo
Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Khadiijo
Maxed Diiriye oo hada ah Ku simaha wasaarada
Dhirta oo hadal ka jeedisay munaasabadii maanta
ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo
dhirta dabiiciga ah taasoo bey tiri wax ay u
baahanyihiin dadka iyo duunyada.

Waxa ay tilmaantay in lagu wado dhirta xaalufin
aad u baahsan isla markaana dibada loo dhoofiyo
taasina ay keeneyso nabaad guur ku yimaado dhirta
Soomaaliya.

Waxa ay ugu baaqaday Ciidamada Ethiopia iyo kuwa
AMISOM in ay ka hor is taagaan dadka ka ganacsado
dhoofinta dhirta in ay ka dhoofiyaan dekeda iyo
Airport dalka, waxayna xustay in Dhuxuso
dhoofinteeda ka socoto Dekedo macmal ah oo ku
yaala Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Kuixgeenka ahna Wasiirka
Cadaalada iyo Arrimaha Diinta oo isna ka hadlay
Munaasabadaas ayaa waxa uu diirada ku saaray
arrimaha sicir bararka oo uu sheegay in ay ka
dhalatay xaalufinta lagu hayo Dhirta.

Waxaa uu Ra'iisul Wasaare Kuxigeenku sheegay in
diidista lacagaha ay dhib weyn ku tahay kuwa
diidaya iyo kan loo diidayo, isagoo ugu baaqay
ganacsatada in ay u dhaxaan shacabka.

Mas'uuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabada ayaa
waxay Dhir kala duwan ku aaseen qeybo ka mid ah
wadooyinka, waxaana Xubnaha maanta ka qeyb galay
Xaflada ay soo dhoweeyeen tallaabooyin ballaaran
ee lagu doonayo in lagaga hortago jarista dhirta.

Sidoo kale erayo iyo suugaan ka turjumeysa
waxyeelada ay leedahay dhir jaristu ayaa maanta
lagu soo bandhigay xafladii lagu maamuusayay
maalinta Dhirta Aduunka.

Waxaana ka qeyb galayaasha ay sare u hayeen
caleemo iyo dhir qoyan oo la sheegay in lagu
talaalayo qeybo ka mid wadooyinka, si dhirtu ay
noqoto mid nolosho wanaajiso.
Taliyaha Ciidamada Asluubta, Jen. Cabdulaahi
macalin , Muuse Suudi, Salim Caliyow Ibrow iyo
Wasiirka Gaashaandhiga Muxudiin Maxamed Xasan.
AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali News
|
|
|