U.S.A News August 11,
2008
Soomaali Badan oo ka kala
daawanayey aduunka dacaladiisa ha joogeen magaala
madaxda Soomaaliya Muqdisho ama America ama yurub
ama Asia waxaa ay dhamaan isha ku hayeen dadka
kasoo qeyb galayey iyo dalkeey ka yimaadeen ayadoo
ay usii dheertahay ineey isha si gooni ah ugu sii
hayaan waa dadka Soomaaliyeedee Calankeenii
Quruxda badnaa ee dalkeenii hooyo.
Waxaaba ay dadku isha laraacayeen dalalka
calamadooda laakiinse soomaalidu waxay kaga
dhagneeyd ineey arkaan maruun Calankoodii.
Dalalka kale ama dadka aduunka kunooli waxay
niyada ku hayeen ineey helaan bilada dahabiga ah
ama mida ku xigta ama kaalintee baanu galeeynaa oo
niyadoodu waxaa ku jirtay Tartan laakiinse
Dadkeena Soomaalida ahi waxaa nagu jiray uun in
mar aanu ka aragno Calanka Dalkeenii Hooyo.

Tani oo aad iyo aad u ahayd muhiim qofwalibana ay
u ahayd niyada ineey udhisanto.
Wiil yar baa yiri Aloow yaa nasii tusa anagoo guul
ka soo hoyna kadibna nasii tusa Nabad inaanu
kuwada noolaano wiilkaas oo hayey niyad suuban
marka niyadu waa wax weyn marka niyada yaalaga
saarin Rajada Wanaagsan.
Waxaana u baryeynaa ineey guuleystaan dhalintaas
is xilqaantay ee Beijing soomaali sharaf u soo
hoyisay waxaayna utahay sharafweyn iney dalkooda
usoo hoyeen.
Cabdikarim M. Ciise (Qaxiye)
abdikarim@journalist.com
AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali Minnesota
News Center...