Allsomali.com

Allsomali.com-Refresh/Reload  

AllSomali - News

Seminaar hal maalin ah oo lagu soo gabagabeeyey hotel saxafi two ee magaalda muqdisho maanta

 




Muqdisho, March 20, 2008

KAALMO development Relief organization Jooji Gudniinka fircooniga ah Haweenka somaliyeed waa biirrimageydho Haweenaka somaliyeed waxaa laga rabaa biilkii banaankane ma adikaraan in lagu xadgudbo darteed Hooyo aqoon leh waa hurmarka bulshada U ogolow xaquuqda ay diintu siisay gabadhaada, Mar walbo ka shaqey horumarinta haweenka Jooji xadgudubka haweenka Lamaanayaashu waa in ay si siman u wadaagaan howsha qoyska dhib iyo dheefba.

Gabadhu waxay xaq uleedahay in ay xubnaheeda taranka lakala dhantaalin
Ha ku xadgudbin xaaskaaga .hooyadaa, walaashaa, gabadhaada
Saminaarkaan oo ay qabanqaabadiisa iska kaashadeen hay.aadda kaalmo iyo UNHCR ayaa waxaa lagu baranayey sidii looga hortegi lahaa xadgudubka ka dhanka ah haweenka aduunka gaar ahaana kuwa somalida lagu haayo .

Seminaarkaan ayaa waxaa ka faiidaysanayey ilaa 50 qof oo laga soo xulay xeryahay ay dagan yihiin dadka soo barakacay Ereyadaas iyo kuwo kale oo ka sii mcaan waxay ku qoraayeen boorar lagu nashqadeeyey gidarka hoolka weyn ee lagu qabanayey xaflad halmaalin aheyd oo lagu furayey isla markaana lagu xirayey oo ka dhaqcday hotelka saxafi 2 ee magaalda muqdisho.

Waxaana macalin ka haa Dr cabdi adan xanafi oo title kiisu yahay M.D MRCP ,MHRE / H.I.V. /AIDS / HRCB-OFFICER WHO
Aqoon isweydaarsigaan ayaa ahaa mid ahl maalin ah iyada oo bishiiba la qabto laba maalin wuxuuna socon doonaa mudo laba bilood ah
furitaankii saminaarka ayaa waxaa qud bad soo dhaweyn ah ka so jeedisay gudoomiyahay hay.adda KAALMO marwo sacdiyo maxamed cilmi oo sheegtay in aan loo baahnayn gudniinka fircooniga ah waqtigaan iyo in uu yahay xadgudub loo geysanayo gabdhaha somaliyeed iyada oo intaa ku dartay in aysan iyadu diyaar u eheyn in ay gudo gabdhaheeda.


Hadaba hay.adda KAALMO Women Development & relief organizing ururka samafalka iyo horumarinta haweenka ee kaalmo waa urur u dooda xaquuqda haweenka isla markaana u gargaara bulshada tabaakleysan .

Hay.adda KAALMO waxey ururisaa xadgudubyada loo geysto haweenka sida DILKA,BARAKACA , GUDNIINKA, FIRCOONIGA AH , iyo kuwo kale oo farabadan.

KAALMO waxay haweenka somaliyeed u qabataa barnaamijyo wacyi galin ah oo lagu tusayo haweenka wax soo saarka umadda waxaana kuwa ugu nugul iyaga oo u qeybsan xili ay ilmo uurka ku sido , xili food ay tahay .xili ay nuujineyso caruurta ilaa ay ka barbaaraan ilaa hey idinkiis .

Hadaba ayadoo doorka hooyadu sidaas muhiim u yahay la.aanteedna aysan suurta gasheen in bini aadamku tarmo ayaa waxaa jira dhaqamo aan habooneyn oo lagula kaco haweenka somaliyeed .

Dhaqamadaas oo aan sal iyo raad ku laheyn diinteena islaanimo . hase yeeshee ay sal u tahay aqoon la.aan ha ahaato dhanka diinta iyo tan maadiga intaba ka hor rasuulkeenii Maxaed SCW soo ifbixii diinta islaamka ka hor carabtii , Xiligaas jirtay waxey aasi jireen gabdhaha iyagoo nool hase yeeshee waxaa mamnuucay diinta islaamka ,dhanka somalidane waxaa jira ficilo aan wanaagsanayn oo lagula kaco haweenka sida

1 Jarjarida
2 kufisga
3Jirdilka
4Guur qasab ah
5Yasid
6Hantideeda oo lo diido Sida meherka Ficiladaas oo qaarna uga yimid dibada qaarna iyagu ay abuurtaan ,tusaale ahaan hadii ay hooyadu wiil dhasho dumarku waa mashxaradaan hadii ay gabar dhashana ragu xabado ayey ridaan oo loola jeedo farxad iyo dabaal dag ,dhanka kale haayada gabdho badan dhasho somalidu ma jecleystaan oo waxey yiraahdaan ereyo aan munaasib ku eheyn sida gabar dhashooy ,iyada ayaa is badisay iyo wax la mid ah taas oo dhxal siiso in ay hooyadu jeclaato in ay da. Walbo wiil dhasho.

Haweenka somaliyeed oo kaliya ma aha waxa dhibka qabo laakiin waxa ala wadaaga haweenka caalamka.

Haweenka iyo gabdhaha waxay qabaan 2/3 shaqada aduunka ,waxaana ka so gala daqli 5% hadaba marka ay dumarku joojiyaan wax qabadkaas wax walbo waa joogsanayaan

Marka $700 billions sanadkii lagu bixiyo miisaaniyada hubka aduunka ,in ka yar $20 billions ayaa lagu bixiyo saldhiga nolosha _ biyo nadiif ah ,cafimaad iyo aasaaska waxbarasgada farqiga maalqabeenka iyo inta kale waa xad dhaaf sii kordhoysa hantida sadx reerood oo maalqabeen ah waxay ka badan tahay daqli sanadeedka 600 milllion oo qof ee dalalka faqriga 1/3 dadka dunida noloshoodu waxey ku xiran tahay qoriga la shido ,taasoo ay soo guraan haweenka iyo carurt .

Dalalaka Africa haweenka iyo carurta wxay tabcaan 80% cunada asia .
haween badan iyo gabdho shan saac ka badan ayey ku qasiraan qoryo gurid .altin amrica iyo caribian %25 dadka ku nool _ilaa 90% dadka u dhashay dhaladkaa _ ma helaan biyo nadiif ah dalalaka warshadaha leh ,haweenka mushaarka qaata daqligoodu wuxuu ka yar yahay 50%

Barnaamijkaan waxaa qarash ku bixiyey isku dubaridiisa ha.adda UNHCR waxaana qabatay KAALMO
This program sponsored by UNHCR implement by KAALMO
Email; kaalmo_org@yahoo.com
 

AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali News

Copyright © 2008 AllSomali.com  allsomali@yahoo.com

Hit Counter