Xafiiska Senator Amy
Klobuchar ayaa waxaa ka shaqo bilaabay Siyaad Cali oo
horay kaga jiray Kaalin weyn Ururada Dhaqdhaqaaqa ee u
adeega Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minisota...

|
|
|
|

Midig Siyaad Cali Bidix Senator Amy Klobuchar

Midig Ex-Puntland President Maxamed Cabdi Xaashi
dhexda,Senator Amy Klobuchar, Bidix Ex-Somali
President Cali Mahdi... |
Minnesota, News Center Maarso
04,
2008
Xafiiska Senator Amy Klobuchar ayaa waxa ay soo
saareen press ay ku sharaxayaan in ay qaateen qof
Soomaali ah xafiiskooda, qofkaas Soomaaliga ah oo
lagu magacaabo Siyaad Cali, kadib markii ay
Soomaalida degan gobalka Minnesota ay sii
kordheyso tiradoooda maalinba maalinta
ka danbaysa.
Soomaalida degan gobalka Minnesota ayaa waxa ay u
noqotay guulweyn, si wacana u soo dhaweeyey in qof
Soomaaliya uu ka shaqeeyo xafiiska Senatorka
gobalka Minnesota.
Qoraalkii ay soo saareen oo ku
qoran af-Soomaali iyo af-English labadaba waa
kuwan halkan ku lifaaqan.
Af-Soomaali:
Siyaad Cali oo Shaqo ka Bilaabay Xafiiska U. S
Senator Amy Klobuchar.
Minneapolis, Minnesota- Senatarada Maraykanka ee
Amy Klobuchar waxay
aad ugu faraxsan tahay in Siyaad Cali uu ka mid
noqday Shaqaalaheeda Minnesota, khaasatan dhinaca
laanta socdaalka iyo danaha jaaliyadaha.
Siyaad wuxuu la taliye hore uga ahaan jiray waaxda
horumarinta Shaqada ee Owatonna, Minnesota, wuxuu
macalin ka yahay kuliyada Riverland Community
College ee Owatonna, wuxuu hore u noqday Wakiilka
Xuquuqda Aadanaha ee Owatonna, wuxuu kale oo ka
mid ahaa gudida Sare ee Cisbitaalka Magaalada
Owatonna ee Minnesota, wakhtigaas ka horna wuxuu
ka soo shaqeeyey Iskuulada Dadweynaha ee
Minneapolis.
Senator Klobuchar waxay tidhi waxaan aad iyo aad
ugu faraxsanahay in Siyad ka mid noqday
shaqaalahayga Senateka.
“ Siyaad wuxuu soo kordhinayaa khibrad iyo aqoon
balaadhan oo ku aadan ummadaha kala duwan ee
gobolka Minnesota, ayey tiri Senator Amy Klobuchar
“ Senator ahaan waxaan rabaa in dhamaan dadka
reer Minnesota ay fursad u helaan fursadaha
dowlada, Siyaad na wuxuu iga caawinayaa arintaasi
si ay u suurto gasho.
Shaqadiisi ugu horeysay wuxuu dhawaan soo qaban
qaabiyey kulan
dhexmarey Senator Amy Klobuchar iyo Madexweynihii
hore ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi iyo
Hogaamiyayaal ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee
Minnesota.
Senatoradu waxay uga mahad-naqday Jaaliyada
Soomaalida taageeradoodii iyo Saaxiibtinimadoodaba.
Waxay Madaxdu ka wada hadleen xaalada hadeer ka
taagan Soomaaliya. Waxay Senator Amy Xaqiijisay
inay ka go’an tahay inay Senatorada kale kala
shaqeyso sidii loo xoojin lahaa talaabooyinka
Dib-uheshiinta si ay Soomaaliya ugu soo celiso
Nabad-gelyo iyo
deganaan.
Siyaad Cali wuxuu haystaa in ka badan todoba
sanadood oo ah khibrad xaga Shaqada iyo Shaqaalaha,
Waxbarashada, iyo Arimaha ummadaha kala duwan.
Wuxuu ka baxay Jaamacada Osmania University,
Hyderabaad, Hindiya wuxuu ka qaatay Shahaadada
Becholar taas oo ah, Ganacsiga iyo Computerka,
Wuxuu kale oo uu qaatay Shahaadada masterayda
Jaamacada Budelkhan University oo ku taal Jhansi,
Hindiya wuxuu ku qaatay Ganacsiga, ka dibna wuxuu
master kale ka qaatay Jaamacada Pune, University
ee ku taal Pune, Hindiya, wuxuu qaatay shahaadada
loo yaqaan MBA ama maamulka iyo maareynta, ka
dibna wuxuu mastertiisa sadexaad ka qaatay
Jaamacada Minnesota Universoty ee ku taal
Minneapolis, Siyaad Cali wuxuu rajaynayaa inuu
dhawaan la kulmo dhamaan qaybaha kala duwan ee
Jaaliyadaha ee gobolka Minnesota, wuxuuna kala
hadli doonaa arimaha khuseeya sida Waxbarashada,
Horumarinta dhaqaalaha, Caafimaadka, iyo sidii la
isugu dheelitiri lahaa sugida amniga iyo cadaalada
waaxda socdaalka.
Siyad Cali waxaa lagala xidhiidhi karaa Xafiiska
U.S. Senator Amy
Klobuchar ee Minnesota, Telefoonka 612-727-5220,
ama e-mailka:
Siad_Ali@Klobuchar.senate.gov ama Faxka
612-727-5223
AllSomali Online Top Stories reliable source
Allsomali Minnesota
News Center...
|
|
|