Logo

Allsomali.com

Allsomali.com-Refresh/Reload  

Lacagtii masaajidyada minnesota laga soo uruuriyay o sunamiga eheed oo Loo diray indonesiya..

Minnesota State?

 

Tsunami
The Christmas 2004 tsunami also struck in Somalia. 150 people died another 50,000 became homeless. On the peninsular Hafun 19 died and the centre of town was destroyed.

Ali Koh (44), 'I lost my brother and my boat in the tsunami.' video

Source From

Ruud Elmendorp
video journalist
http://www.videoreporter.nl
Tell: 254 722 973 410,

Kenya Easat Africa

 

Nairobi. April 10 News (ASO)

Masawirkaan  riix si aad u aragto dadka joogay meeshas

 

 

Walaalayaal marka hore waxaan uga mahadcelinayaa dhamaan dadweynaha soomaaliyeed oo marwalba taageero hiil iyo hooba ula taagan walaalahood soomaaliyeed meel walba ha joogaanee.

Waa wax taariikhdu xusi doonto oo nin walba wixii ajar iyo xasanaad ilaah baa ka abaal marin doona wuxuu kasbado oo xumaan iyo wanaag ah.

Walaalayaal waxaan ognahay in bad gariir kii ku dhuftay xeebaha Indian Ocean, iyadoo umado badan ay ku barakaceen kuna ceyroobeen kuna dhinteen tiro xad ka bax ah oo aduun weenaha qeelo dhaan ka wareegtay iyo sida wax loogu qaban lahaa umada aafada ku dhacday waxaana waajib noqotay in la is gargaaro si bini’aadnimo ah iyo si muslinimo ah maadaama aan nahay umad ilaahay ugu hibeeyay muslinimo iyo is gargaar.

Hadaba walaalayaal dhinaca somaliya duufaanahaas waxay si xad ka bax ah ay ugu dhufteen dhinaca xeebaha Waqooyi Bari magaalooyinka kala ah.(Xaafuun, Eyl, Banderbayla, Garacad, Hobyo) haba la kala darnaado oo magaalada xaafuun ayaa waxaa lagu qiyaasay umad badan in ay ku dhinteen tiro kale ay ku ceyrtoobeen umada ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ah ee (Minneapolis iyo St.paul) ayaa u gurmaday walaalahood dhibaatada soo gaartay Somaliya looma kala harin Waayeel, Cuqaal, Indheergarato, Wadaadada, Dumarka,waxaa la galay gurmad adag ilaahay wuu lagarabgalay oo ku guuleeysteen iney uruurshaan waxkasta ha ahaato lacag ama dhar qofwaliba waxay awoodaan waxaana ka qeebqaadanayay radiyaha Taleefishinada ee gudaha gobolka Minnesota sida Somali Show TV, oo kaalin weyn ka qaadatay sida Baraarujin Jaaliyada Soomaalida ee degan gobolka Minnesota ka dib waxaa la soo uruuriyay lacag aad u fara badan oo ay si hufan uga qeebqaateen jaaliyadaha ku dhaqan gobolka Minnesota.

Waxaa dhacay Shir lagu gunaanadayey oo loogu magacdaray Gunaanadka wajiga koowaad lacag uruurinta dhacayna April 7, 2005.

Waxaa ka hadlay Judith oo ka socotay Hay’adda Cuntada Aduunka World Food Program.

Waxayna halkaa ka jeedisay warbixin gaaban oo ku saabsaneyd dhibkii Ummada Soomaaliya.

Waxay kaloo kahadashay sida ay ugu qeeybineysay Somaliya mucaawinadii ka socotay dhibkii ka yimi dhul gariirkii bada ee sunaami ee dhacay Dec 26.2005.

Judith waxay kaloo kunuux nuuxsatay 800 Milyan iney aduunka sunaami ay wax yeeleeysay.

Isla markaasna 30.000 oo Somali ah ayeey quudisaa waxay na halkaa ku cadeeysay ineey quudinta ay sii wadayaan waa Hay’adda (WFP) ilaa ay Dowlada Somaliya lugaheeda ku istaagto.

Hay’adda Bisha Cas waxay noogu deeqday 50 milyan oo cunta ah, iyo 75 milyan oo Nafaqeeynta Caruurta ah waa arimaha Somaliya ayeey tiri Judith.

Waxayna tiri jeegaan oo hada la ii dhiibay oo ah $13,400 wuxuu aadayaa hada Roma kadibna Soomaaliya oo loogu badalayo Cunto.

Waxaa meeshaasi ka hadlay Maamulayaasha Jaaliyadaha oo ka kala socday Gobolka Minnesota.

Waxaa kaloo jirtay lacag ka timi Masaajidada $23.000 loo leex shay dalka Indonisiya iyadoo dad badan oo masaajidyada ka dhiibay sadaqadaas ay hada layaaban yihiin arintaas mar aan afti ka qaadnay dadbadan oo lacagtaas dhiibay ayeey waxay eeda dusha ka saareen dadkii ku fashilmay isla markaana meesha ka cadeeyey ineey udireen indonisiya lacagtaasi oo kala ah Xasan Jaamici iyo Shaafi oo iyaga markasta ka shaqeeya musuq maasuqa iyo iska horkeenka dadka Somaliyeed ee walaalaha ah.

Shaafi oo inoo sheegay inuu yahay ninka lacagaha masaajidka loo aruurshay mas'uulka ah laakiinse lama oga inuu mas'uul ka yahay lacagaha Masaajidka gadaal ayaan idinkala soo socodsiin doonaa warbixinta labaad.

Wa billaahi towfiiq.

By: C/karim Ciise (Qaxiye)

abdikarim@journalist.com

Minnesota, U.S.A

AllSomali News

 

Copyright © 2005 AllSomali.com

Hit Counter